Aqalka Golaha Wakiiladda oo dib u eegis ku sameeyay xeerarka doorashada ,diwaangelinta xisbiyada iyo Anshaxa doorashada
Addis Ababa,Feb 02, 2021 (Dir 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Aqalka Golaha Wakiiladda JDFI ayaa kal-fadhigoodii caadiga ahaa, waxay ku meel mariyeen go’aanno dib-u-eegis in lagu sameeyo u baahnaa oo ay kamid yihiin doorashada, diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed iyo anshaxa doorashada ,ee xeerka summadiisu tahay 1162/2019 Qodobka 31/3.
Gudoomiyaha gudiga joogtada ah ee sharciga, cadaalada iyo arimaha dimuqraadiga ee golaha Abu Bekri ayaa miiska soo saaray warbixin ku saabsan wax ka badalka xeerka.
Sida ku xusan xeerka wax ka beddelka, tirada saxeexyada oggolaanshaha ee uu kusoo baxayo murashax gaar ahi waxa laga dhimay kala badh ,taas oo markii hore ahayd 5,000 balse haatan laga dhigay 2,500.
Sidoo kale, tirada saxeexyada ogolaanshaha ee ay soo gudbinayaan musharixiinta naafada ah ayaa sidoo kale laga dhimay kala badh iyada oo ahayd,3,000 haddana laga dhigay 1,500.
Dhanka kale,Baarlamaanku ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay qaraarka ay u soo gudbiyeen guddiga Joogtada ah ee Sharciga, Cadaalada iyo Arimaha Dimuquraadiyada waxayna go’aansadeen in xeekan wax laga badalay uu dhaqan galayo laga bilaabo bisha Jeenaweri 29, 2021.