Deegaanka Somaalida oo sannadkan 6,452 arday ay ka gudbeen imtixaamka xaqiijinta tayada xirfadleyaasha ee COC-ga
Addis Ababa,July 15, 2021 (Hamle 08,2013 T.I (FBC/SOMALI)-6,452 arday ayaa ka gudubtay imtixaamka xaqiijinta tayada xirfadleyaasha COC-ga ee sannadkan 2013-ka T.I
Maareeyaha Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadleyaasha COC-ga, Mudane Cali Dalaje ayaa sheegay in wakaaladdu tahay udub-dhexaadka hubinta tayada xirfadleyaasha deegaanka maadaama xirfadlaha tayeysani uu yahay mid kaalin ka qaadanaya kor-u-qaadidda horumarka iyo dhaqaalaha deegaanka.
Maareeyaha oo waraysigan xafiiskiisa ku bixiyey ayaa sheegay in sannaddadii hore imtaxaamka qiimeynta ardaydu ku hoosaysay, taasi oo loo aanaynayo tayo-xumadii waxbarashada ka jirtay isbaddalkii kahor, balse dadaalka xukuumadda ee ku aaddan kor-u-qaadidda tayada waxbarashada sannadkan 85% boqolkiiba in ka badan xirfadleyaasha kulliyadaha kala duwan wax ka bartay ay ku baaseen imtaxaamka xaqiijinta tayada xirfadleyaasha.
Maareeyaha ayaa sida oo kale sheegay in sannadkan ay soo kordhiyeen hab cusub oo casri ah oo lagu marayo imtaxaanmka qiimeynta ka soo yaraynaya kharashaadkii badnaa ee ku baxayay qaadista imtaxaamka, sida oo kalena cabashadii ka imanaysay dhanka ardayda la xalliyey, islamarkaana sidaadii imtaxaanka loo dhammeeyo natiijada ardaydu helayaan.
Maareeyaha Wakaaladda Xaqiijinta Tayada Xirfadleyaasha COC-ga ayaa sida oo kale sheegay in sannadkan u qorsheysan tahay in xirfadleyaasha iskood wax isu baray loo samaynayo fursado lagu hubinayo xirfaddooda, laguna siinayo shahaadada xaqiijinta si ay uga faa’iideystaan fursadaha shaqo ee ka jira deegaanka.
SRTV Rasmi Page