Fana: At a Speed of Life!

Garsoore Cabdulqawi oo xilkii Guddoomiyaha maxkamadda ICJ banneeyay

Addis Ababa,Feb 09, 2021 (Yekatit 02,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa loo doortay gudoomiye iyo gudoomiya ku xigeen cusub.

Gudoomiyaha maxkamada ayaa waxaa loo doortay garosoore Joan E. Donoghue oo u dhalatay dalka Mareykanka, halka ku xigeenkeeda loo doortay garsoore Kirill Gevorgian oo u dhashay dalka Ruushka.

Garsoore Joan E. Donoghue ayaa xubin ka ahayd maxkamadda ICJ tan iyo bishii September 2010-kii, halka garsoore Kirill Gevorgian uu maxkamadda ku soo biiray sanaddii 2005.

Garsoorahan caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa horey u ahaa madaxwaynha maxkamada ICJ , balse iminka markii uu mudda xileedkiisa dhameystay ayaa la badalay.

Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa weli xubin ka sii ahaan doona garsoorayaasha maxkamadda ICJ.

Cabdulqawi ayaa xilka madaxwaynaha maxkamadda ICJ hayay tan sanaddii 2018.

Cabdulqawi ayaa horey waxaa uu la taliye dhanka sharciga ah uga soo noqday qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey.

Waxaa uu horrey wax ugu soo bartay dalka Soomaaliya, halkaasi oo sidoo kale bare jaamacadeed ka noqday jaamacaddii umadda.

Garsoore Cabdulqawi Waxaa uu sidoo kale ka mid yahay garsoorayaasah qaadaya kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Mar ay BBC wax ka waydiisay in qaadidda kiiskaas ay saameyn ku yeelanayso maadaama ay dhalashadiisa Soomaali tahay ayuu sheegay in ay aysan isku xidhneyn dhalashada qof iyo shaqadiisa garsoorka.

“Ma aha in haddii xaakimka wadankiisa uu dacwad keeno in uu dacwadaasi ka baxo, laakiin dhalasha ahaan iyo xaakimnimadaada way kala duwan yihiin ,” ayuu yidhi.

Mr Cabdulqawi ayaa sheegay in shaqada garsoora iyo dhalshada aysan shaqo isku lahayn.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.