Fana: At a Speed of Life!

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo bilaabay in ay qalabka doorashooyinka geeyaan goobaha codbixinta dalka

Addis Ababa,Feb 10, 2021 (Yekatit 03,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddiga doorashooyinka Qaranka Itoobiya ee loo soo gaabiyo (NEBE) ayaa sheegay inay maanta wixii ka dambeeya bilaabayaan u qaybinta qalabka doorashada ee goobaha codbixinta.

Gudiga doorashada ayaa hoggaamiyaasha sare ee xisbiyada siyaasadda u soo bandhigay warbixin ku saabsan u diyaar garowgooda doorashada guud ee 6-aad ee soo socota.

Munaasabaddan, guddiga wuxuu uga warbixiyay kaqeybgalayaasha, diyaargarowga ilaa hadda la sameeyay, oo ay ka mid yihiin tababarro la siinayo codbixiyaasha ,hawlwadennada doorashada ee goobaha codbixinta iyo diiwaangelinta xisbiyada siyaasadeed, iyo arrimo kale.

Gudiga ayaa guud ahaan dalka ka hirgaliyay 673 degmo-doorasho wuxuuna qortay 49,407 ah hawlwadenno ka shaqaynaya codbixinta doorashada loo qorsheeyay inay dhacdo horaanta bisha Juun ee sanadkan.

Waxa ay sidoo kale soo saartay shahaadada aqoonsiga 64 ka mid ah 115 Ururada Bulshada Rayidka ah ee la aqoonsan yahay (CSOs) oo ka hawlgali doona inay bixiyaan tababarro ku saabsan habka ay codbixiyayaashu  u dhiibanayaan codkooda.

Toddobaadkii horena guddiga ayaa ku dhawaaqay daabacista calaamadaha(astaamaha) xisbiyada siyaasadeed ee doorashada gelaya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.