Guddiga Shaqo-abuurka oo lixdii bilood ee la soo dhaafay abuuray 1.7 Milyan oo Shaqooyin ah
Addis Ababa,Feb 11, 2021 (Yekatit 04,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddiga Shaqo-abuurka ayaa ku dhawaaqay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay abuureen 1.7 Milyan Shaqooyin cusub oo qaybo kala duwan ah.
Guddoomiyaha hay’adda Shaqo-abuurka Nigussu Tilahun ayaa sheegay in qiimaynta shaqo-galku ay muujisay korodh 49% ah marka la barbar dhigo isla sannad-miisaaniyadeedkii hore.
Guddigu wuxuu kaloo hoosta ka xariiqay in ay hirgalinayaan habab kala duwan oo wax looga qabanayo caqabadaha ka jira goobaha shaqo-abuurka iyo in loo sameeyo dadka shaqo-doonka ee dalka shaqo-abuur badan.