Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo dhaweeyay guushii uu ra’iisal wasaare Abiy Axmed ka gaadhay doorashada
Addis Ababa,July 13, 2021 (Hamle 06,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Muusa Faki Maxamad, ayaa soo dhoweeyay shaacinta natiijadii kamadambaysta ahayd ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya ay kasoo saareen doorashadii guud ee dalka ka dhacday Juun 21, 2021.
Guddoomiyaha ayaa si diirran ugu hanbalyeeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed guushii weyneyd ee xisbiga barwaaqo uu ka gaadhay doorashadii heer qaran iyo heer deegaanba.
Wuxuuna ku amaanay guddiga Doorashooyinka Qaranka Itoobiya, xisbiyada siyaasadeed, bulshada rayidka ah, iyo dhammaan daneeyayaashii kale ee muujiyay dadaalkooda wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo nabada, kala dambeynta, iyo kalsoonida, iyada oo ay jireen caqabado dhanka nabadgelyada, saadka iyo faafaha Covid-19.
Guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in si dhow ay ula socon doonaan doorashooyinka lagu wado in bisha Sebtember 6, 2021 ay ka dhacaan deegaan doorashooyinka hadhsan.
Wuxuu sidoo kale bogaadiyay Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo iyo Ergadii Kormeerka Doorashada ee Midowga Afrika ee sida wanaagsan uga soo baxay waajibaadkoodii.