Fana: At a Speed of Life!

Isu-soobax ballaadhan oo taageero loogu muujinayay RW Abiy Axmed oo ka dhacay meelo badan oo ka tirsan deegaanka Oromada

Addis Ababa,Feb 02, 2021 (Dir 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)- Dadweyne aad u tiro badan ayaa sabaxnimadii saaka isu-soobax ballaadhan ka dhigay Deegaanka Oromiya ,kaas oo ay taageero ugu muujinayeen Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed.

Dad badan ayaa isugu soo baxay jidadka degmoooyinka iyo magaalooyinka deegaankaas iyagoo wata astaanta qaranka, calanka deegaanka iyo halkudhigyo lagu taageerayo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Magaalooyinka aadka isu-soobaxa looga dhigay waxa ka mid ah nawaaxiga Addis ababa,ee  Sululta, Sendafa, Beke Gelan iyo Shashemen sidoo kale waxa aad la isugu soo baxay magaalada Asela.

Taageerayaashu ayaa ku dhawaaqayeen halku dhigyo lagu amaanayo waxqabadka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda tan iyo markii uu la wareegay xafiiska bishii Abriil, 2018-kii.

Kaqeybgalayaashii banaanbaxa ayaa bogaadiyey dib u habeynta iyo horumarka uu wadanku kaga tallaabsaday dhowr meelood oo ka mid yuhiin waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu hogaanka hayay raiisul wasaare Abiy axmed isagoo balanqaaday inuu sii wadayo taageerada dadaalkiisa.

Waxay sidoo kale cambaareeyeen canaasiirta Tplf iyo Oneg-Shene ee ku howlan dib u dhaca , kanahorjeedista dib u habeynta islamarkaana xasillooni darro abuuraya dalka.
Haldhigyadii ugu muhiimsanaa ee taageerayaashu soo bandhigeen waxa ka mid ahaa:-
“Waxaan taageero la gara taaganahay hoggaamiyaheena oo abaalmarinta Nabadda ee caalamiga ah ku guulaystay”.

Iyaga oo ammaanaya RW Abiy waxa ay yidhaahdeen”Amaanta halyeeyada waa sumcad ay leeyihiin dadka Oramadu”.

“Tallaabooyinka taabagelinta sarraynta sharcigu way sii socon doontaa”,Midnimada shacabku way guulaysan doontaa” ayaa ka mid ahaa haldhigayda ay bannaanbaxaayaashu kuso bandhigeen saaka bannaanbaxooda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.