Madaxweyne Sahle-Work oo wadaxaajood la yeelatay madaxweynaha dalka Rwanda
Addis Ababa,May 17, 2021 (Ginbot 10,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha JDFI Marwo Sahle-Work Zewde ayaa magaalada Paris ee dalka Faransiiska kula kulantay madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame.
Wadaxaaajoodka ay yeesheen labda hoggaamiye ayaa dhacay maalintii shalay ,halkaas oo ay kaga qayb galayeen Shirka Caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha siyaasada dalka Suudaan oo ka maanta qabsoomaya magaalada Paris ee da;lka Faransiiska.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona Shir Madaxeedka Maalgelinta Dhaqaalaha Afrika oo lagu wado inuu qabsoomo maalinta berri ah.