RW ku-xigeenka oo kulan la qaatay madaxa hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxoontiga (UNHCR
Addis Ababa,Feb 01, 2021 (Dir 24,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Demeke Mekonnen ayaa kulan dhinacyo badan taabanaya la qaatay madaxa hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxoontiga (UNHCR), Filippo Grandi.
Madaxa UNHCR ayaa kormeer rasmi ah ku tagay xeryaha Qaxoontiga ee deegaanka Tigray,si uu qiimayn ugu soo sameeyo xaaladaha ku gedaaman degaankaasi.
Dalkan Itoobiya ayaa ah dalka ugu horreeya Afrika ee gabaad siiya dad aad u badan oo qaxooti ah ,iyada oo xeryo qaxooti oo dhowr ahi ay ku yaalaan waddanka.