Fana: At a Speed of Life!

Shacabka ku dhaqan gobolka Wolayta ee deegaanka Shucuubta Koonfureed oo dhigay isu-bax ballaadhan oo lagu taageerayo RW Abiy Axmed

Addis Ababa,Feb 08, 2021 (Yekatit 01,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Isu-soobax ballaadhan oo taageero loogu muujinayay RW Abiy Axmed ayaa ka dhacay gobolka wolayta ee deegaanka Shucuubta Koonfureed.

Dadka bannaanbaxayay ayaa soo bandhigay taageerada miisaanka leh ee ay uhayaan nidaamka hogaamineed RW Abiy Axmed iyo xisbiga barwaaqo.

Shacabka gobolka wolayta waxa isu soobaxa kala qayb galay madaxa gobolkaasi Dr Endrias Geta oo ugu baaqay in dadka deegaanku ay garab istaagaan dowladda ,si loo joogteeyo dib-u-habeynta loona xoojiyo dedaallada horumarka.

Toddobaadkii u dambeeyay qaar kamid deegaannada dalka ayaa waxa ka dhacay isu-soobaxyo ballaadhan oo  lagu taageerayo nidaamka hogaamineed RW Abiy Axmed iyo xisbiga barwaaqo ,waxaan degaannada taageerrada muga leh RW Abiy looga muujiyay ka mid ah deegaanka Soomaalidda oo shalay taageero mug leh looga muujiyay iyo ka Oromada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.