Fana: At a Speed of Life!

Shacabka Magaalada jigjiga oo dhigay dibad bax nabadeed oo ay ku taageerayaan RW Dr Abiy Axmed

Addis Ababa,Feb 07, 2021 (Dir 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-shacab tiro badan oo si iskood ah usoo baxay ayaa soo buux dhaafiyay garoonka kubada cagta magaalada jig-jiga kuwaasoo ujeedadoodu tahay inay muujiyaan taageerada ay uhayaan nidaamka hogaamineed ee itoobiyada cusub ee uu majaraha u hayo Dr Abiy Axmed iyo xisbiga barwaaqo.sidookale waxaa isu-soobaxa kala qayb galay dadweynaha madaxwaynaha DDS Mudane mustafe muxumed iyo masuuliyiinta xukuumaddiisa.

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumad Cumar oo la hadlayay kumanaanka shacabka ah ee ku sugnaa Garoonka ayaa si cad u qeexay in isbadalka muuqda ee ay maanta haystaan shacabka DDS uu yahay mid xoriyad dhan walba ah, iyadoo ayna jirin wax cabudhin ahi.

Madaxwayne Mustafe ayaa xusay in isbadalkii siyaasadeed meelaha ugu horeeya ee ka faa’iidaystay uu yahay shacabka DDS, haday noqoto balaadhinta matalaada shacabka soomaalida iyo waliba saami qaybsiga dhaqaale.

Madaxwaynaha ayaa cadeeyay in Rasal Wasaare Abiy Axmad yahay hormuudka hanaankii lagaga nadiifiyay dalka dhiig miiratadii TPLF, hawlgalkii sharciga lagu soo dabaalayay Juntaagana uu ahaa mid dalka lagu bad-baadinayay.

Dhinaca kale Madxwaynaha DDS ayaa xusay in Xisbiga Barwaqo intii ay Soomaalidu ka mid noqotay ay heleen saamiyo balaadhan, dadaalkana ay xukuumadu sii wadayso, cadeeyayna in Xisbiga Barwaaqo uu yahay kan si buuxa u matalaya Shacabka ku dhaqan dhamaan 11 Gobol ee DDS uu ka koobanyahay.

Mar uu Madaxwaynuhu ka hadlayay Doorashada soo socota ayuu uugu baaqay Xisbiyada Muraacadka ah ah inay isu diyaariyaan doorasho xor iyo xalaal ah, ilaaliyaana nidaamka iyo kala danbaynta iyo u hogaansanka haykalka guud ee dawladnimo.

Halka uu Madaxwayne Mustafe ka digay in Astaan Hayb iyo reerna ayna ahayn mid shacabka Soomaalida matali karta wax na tiijo ahna aan lagu gaadhayn, cidii isku dayda marin habaabinta shacabkana aanan loo dulqaadanayn.

Xisbiga Barwaaqo ayaa u taagan isku wadka shucuubta dalka guud ahaan, gaar ahaana sugiga xuquuqda muwaadiniinta ee dhamaan 11 Gobol ku dhaqan.

Dhiniciisana Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Eng. Maxamad Shaale Isaaq ayaa cadeeyay in Xisbiga Barwaqo natiijooyin wax ku ool ah soo hoyiyay islamarkaasina sii wadayo dadaalkiisa uu uugu jiro xaqiijinta xuquuqda shacabka Soomaalida.
Nidaamka Federalismkuna yahay kan dalka lagu hagayo Xisbiga Barwaaqana uu taasi u taaganyahay.

Mudane Xaashi C/laahi Shide oo ah Maareeye ku xigeenka MMJ ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyay shacab waynihii soo buux dhaafiyay garoonka kulana dardaarmay inay shacabku markasta danahooda u taagnaadaan.

Isu soo baxa lagu taageerayo Xisbiga Barwaaqo ayaa ka qab-soomay dhamaan 11 Gobol ee DDS uu ka koobanyahay.

SRTV Rasmi Page+XWDDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.