Urur-goboleedka IGAD oo sheegay in ay sii wadayaan in si dhaw ay ula shaqeeyaan Itoobiya ,si loo xoojiyo xasiloonida Geeska Afrika
Addis Ababa,Mar 16, 2021 (Megabit 07,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Maaliyada JDFI mudane Axmed Shide ayaa kulan wadaxaajood la yeeshay Xoghayaha Fulinta ee Urur Goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu.
Labada masuul waxa ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan isbadalka dhaqaale ee ku yimid Itoobiya iyo xoojinta xidhiidhka ka dhaxeeya wadamada Geeska Afrika.
Wasiir Shide ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay sii xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka, taas oo ku imanaysa isfaham buuxa oo laga yeesho dhinacyada siyaasadeed,bulsho, iyo amniba.
Wuxuu yidhi ”waxa ka faa’iideysanaya dhammaan waddamada xubnaha ka ah, waxayna keeneysaa nabad iyo xasilooni gobolka ah” sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyaddu.
Dr Workneh wuxuu dhiniciisa tafaasiil ka bixiyay muhiimada ay leedahay in la dhiso awoodda urur goboleedka IGAD ,si loo hirgaliyo barnaamijyadeeda wuxuuna muujiyey sida ay uga go’antahay sii wadida wadashaqeyneed ee dhow ee Itoobiya looga taageerayo dhanka horumarka iyo xasilloonidda geeska Afrikaba.
Toddobaadkii aynu soo dhaafnay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad oo ay iskaga kaashanayaan dhinacyada isgaadhsiinta,taas oo ay qayb ka ahaayeen wafti uu hoggaaminayay wasiir Axmed shide.