Wasiirka Waxbarashada oo iclaamiyay waqtiga la gelayo imtixaanka fasallada 12aad ee dalka
Addis Ababa,Feb 11, 2021 (Yekatit 04,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiirka Waxbarashada Getahun Mukaraba ayaa iclaamiyay in imtixaanka shahaadiga ah ee qaran ee fasallada 12-aad oo markii hore loo qorsheeyay in lagu galo khadka tooska ah ee internet-ka ,la go’aamiyay in imtixaanka lagu geli doono waraaqihii daabacnaa, sababo la xidhiidha Tahlikariwaaga taabliyaddii loogu talo galay in imtixaanka dalka lagu qaado oo aan waqtigoodii laga gaadhsiinayn.
Sidaas awgeed, Imtixaanka Qaran ee sannad-dugsiyeedka 2012 ayaa la geli doonaa 29-ka bishan Yekaatit, 2013, ayuu yidhi.
Aqoonsiga Imtixaanka waxaa laga bixin doonaa iskuullada laga bilaabo 22-ka ilaa 24-ka bishan Yekaatiit, ayaa lagu yidhi warbixinta.
Waraaqaha imtixaanka iyo jawaabaha waxa loo gudbin doonaa gobollada laga bilaabo Febraayo 21-27 ayaa la sii raaciyay warbixinta.
Waxaa xusid muddan in wasaaradda waxbarashadu ay u diyaar garow ugu jirtay inay si toos ah Internet-ka ugu qaaddo Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12aad ee Sanad-dudsiyeedka 2012, ayay intaasi raacisay.