Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha ee DDS iyo Shirka isgaadhsiinta dalka ee Ethiotelecom oo Heshiis kala sexeexday

Addis Ababa,Feb 05, 2021 (Dir 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha ee DDS iyo Shirka isgaadhsiinta dalka ee Ethiotelecom ayaa kala sexeexday heshiis adeega Vsat ka lagu gaadhsiinayo 23 goobood oo ku yaala deegaanka soomaalida.

isgaadhsiinta tooska ugu xidhanta sataliteka oo iskugu jirta adeega internetka iyo hadalka ayaa ah mid gudaha dalka looga isticmaalo qaab ku meelgaadha, halka hay’adaha iyo qaarkamida laamaha dawladuna ay si rasmi ah u isticmaalaan hawlaha ay hayaan awgeed, waana isgaadhsiin ka madax banaan shebekada xidhiidhka isgaadhsiinta caadiga ah ee shacabka.

hadaba, inkastoo ay shirkada isgaadhsiinta ee dalku wado dadaalo lagu gaadhsiinayo khadka telefoonka dhamaanba deegaanaka ayaa waxa loo baahday in isgaadhsiin kumeelgaadha oo loogaliyo degmooyinka aanay wali gaadhin khadka telefoonada ee ethiotelecom si loo fuliyo adeegyada ku xidhan isgaadhsiinta degmooyinkaasi.

kulankan oo ay xafiiska hormarinta magaalooyinka iyo dhismaha ee DDS iyo shirkada isgaadhsiinta dalka Ethiotelecomku kala sexeexanayeen heshiiskan isgaadhsiin kumeelgaadha oo lagu magacaabo V-SAT oo loogalinayo 23 goobood oo kamid ah degmoyinka deegaanka gaar ahaan meelaha aanay wali gaadhin khadka telefoonadu ayaa waxaa kasoo qaybgalay wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha, wasiirku xigeenka xafiiska madaxwanaha ee DDS, Qaarkamid ah maamulada gobolada deegaanka iyo xubno ka socday shirkada isgaadhsiinta dalka ee ethiotelecom laanteeda deegaanka.

Isgaadhsiintan oo ay wada isticmaali doonaan xafiisyada dawlada iyo shacabka aagaasi ayaa siini doonta adeega Internetka iyo hadalka ilaa inta lagaadhsiinayo isgaadhsiinta rasmiga ah ee dalka.

wasiirka xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha ee deegaanka Dr.c/fataax sheekh biixi iyo wasiir kuxigeenka xafiiska madaxwaynaha ee DDS mudane maxamed Yuusuf rooble ayaa gabogabadii kulankan sheegay in ay lagama maarmaantahay in bulshada deegaanka dhamaan lawada gaadhsiiyo isgaadhsiinta maadaama oo ay ku xidhanyihiin qaarkamida adeegyada bulshadu sidaadaraadeed loogu baahday isgaadhsiintan.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.